1629 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo si kulul uga hadlay dad uu ku sheegay musharraxiin xilal raadinaya oo is hubeynaya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo si kulul uga hadlay dad uu ku sheegay musharraxiin xilal raadinaya oo is hubeynaya.
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 5, 202

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed “Laftagareen” ayaa si kulul uga hadlay dad uu ku sheegay musharraxiin xilal raadinaya oo is hubeynaya.

Laftagareen oo ka hadlayay munaasabad lagu dhiirrigelinayay ciidamada qalabka sida – oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo – ayaa sheegay in wali ay taallo shaqo badan oo ku aaddan xaqiijinta amaanka.

“Annagoo awalba amniga sugnay ayaa waxaan u baahan nahay in labada gacmoodba lagu shaqeeyo, oo gacanna amniga lagu sugo, shabaab meesha uu joogo looga daba tago, gacanna amniga magaalada lagu sugo, maadaama dad badan ay imaanayaan oo aan aaminsan nahay inay kusoo dhuumanayaan Shabaabkii,” ayuu yidhi.

“Musharraxiin hub soo iibsanaya”

Madaxweyne Laftagreen ayaa halkaas ka sheegay in siyaasiyiinta qaarood “ay is hubeynayaan si ay khalkhal u geliyaan amniga doorashada”. Ma u sheegin magacyada siyaasiintaasi iyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintaasi.

“Qofka marka uu xilka raadinayo miyir badan ma laha, wax walba ayaa ka suurtooba. Wax aanan kursiga ahayn uma jeedo.

“Muddadaan dambe waxaa soo siyaaday wax la yiraahdo cagojugleyn. Farriin baa laguu keenayaa, waxaa laguu sheegayaa in ninkii hebel ahaa uu soo gatay hub (2 PKM, 3 PKM), wuxuuna yiri ‘haddii kursigeyga hadal la geliyo tii dheered baa dhaceysa’,” ayuu yidhi.

Ma uusan caddeynin cidda loo hanjabayo, isaga qudhiisana wuxuu sheegay in uusan wali fahansaneyn dadka ay ku socoto hanjabaadda uu xusay.

“Ninka loo soo dhaaranaayo ayaan fahmi waayay. Ma waxaa loo hanjabayaa 100-ka qof ee ergada ah? Ma waxaa loo dhaaranayaa maamulka? mise waxaa la yasayaa Koonfur Galbeed?”

Laakiin waxa uu ballan qaaday in uu sugi doono amniga dadka wax dooranaya.

“Doorasho waa tii dadka wax dooranaya la tuugi jiray, wax la siin jiray, oo been iyo run la isugu dari jiray, laakiin haddaad dhahdo waan idin dhammeynayaa oo hub baan idiin soo qaadanayaa, waa tii shabaabka oo kale. Dadka wax dooranaya ee shacabka ah waxaan u ballan qaadayaa inaysan jiri doonin cid nabad galyadooda waxyeelleyn karta.”

‘Waxay la mid yihiin al-Shabaab’

Wuxuu sheegay in ilaa 27 saldhig oo ciidan ah ay ku yaallaan magaalada Baydhabo, askartuna ay heegan ugu jiraan sidii loo sugi lahaa amniga.

“Qof walba oo reer Koonfur Galbeed ah waxaan kusoo dhaweyneynaa gacmo furan, kan wax dooranaya iyo kan la dooranayo amnigooda anaga ayaa ballan qaadnay. Cid walba oo khalkhal galinaysa iyo al-Shabaab waa isugu kaaya mid waana ka qabaneynaa,” ayuu yidhi laftagareen.

Doorashada Aqalka Sare ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay dhacdo dhawaan. 31-kii bishii July ayuu madaxweyne Laftagareen soo saaray liiska murashaxiinta u tartami doona kuraasta Aqalka sare ee maamulkaas.

Sidee loo sugayaa amniga doorashada?

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble wuxuu dhawaan soo magacaabay guddiga doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka heer federaal xilli uu dalka ku jira diyaargarowga qabashada doorasho dadban.

Waxaa Soomaaliya ka taagnaa khilaafka hareeyay hanaanka doorashada iyadoo Ra’iisul wasaaraha uu horkacayo dadaallada lagu xallinayo cabashada iyo in dalka uu galo doorasho xor ah iyo xalaal ah.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hoggaamin doonaa sugidda amniga doorashada iyadoo uu kaashanayo guddiga qaran ee amniga doorashooyinka iyo guddiga xallinta khilaafaadka.

Booliska Amisom waxay ka qeyb qaadan doonaan sugidda amniga magaalooyinka iyo goobaha ay ka dhacayaan doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post