1641 Views

20 ruux oo ku dhimatay duufaan ku dhufatay Shiinaha

20 ruux oo ku dhimatay duufaan ku dhufatay Shiinaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 11, 2019 —Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tobneeyo kalana waa la la’yahay, kaddib marki ay duufaanta Lekima maanta billowday in ay garaacdo bariga Shiinaha.

 

TV-ga Dowlada Shiinaha ee CCTV ayaa sheegay, in dhamaan dadka dhintay ay ku noolaayeen gobolka Wenzhou oo ah halka ay duufaanta ka billaabatay.

 

 

 

Warbaahinta Shiinaha ayaa ku warrantay, in aagga ay duufaanta ku dagatay laga daad-gureeyay ilaa iyo hal milyan oo qof.

 

Boqllaal duulimaad ayaa la joojiyay, tareennad iyo goobaha dalxiiskana waa la xiray sababo la xiriira hawada aadka u xun ee bariga Shiinaga.

 

Lekima ayaa ku socoto xawaare dhan 187 km saacaddiiba, waxaana la filayaa in ay u sii jiheysato dhinaca gobolka Shanghai, marka ay dhaafto gobolka Wenzhou.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment