1389 Views

Dhageysiga Kiiska Dacwadda Xisbiga Himilo Qaran oo bilaawday

Dhageysiga Kiiska Dacwadda Xisbiga Himilo Qaran oo bilaawday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2019–Magaalada Muqdisho gaar ahaan Maxkamada Sare ee dalka waxaa Maanta ka bilaabatay dhageysiga dacwad ay Maxkamada Sare u gudbiyeen Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Dacwada ayaa Xisbiga Himilo Qaran waxaa ay ka gudbiyeen Xukuumadda Soomaaliya 6-dii Bishii Octoober ee Sanadkaan 2019, kadib markii Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lagu xayiray Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif sheikh Axmed,xilli uu ku wajahnaa Kismaayo,wallow markii dambe la fasaxay.

 

 

 

Goobta dacwada lagau qaadayay ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe  Yuusuf Axmed,Xubno ka socda Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada oo dacwadda ay ka taallo iyo Xubno ka socda Xisbiga himilo Qaran.

 

Guddooomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe  Yuusuf Axmed ayaa dhawaan sheegay in dacwada ay usoo gudbiyeen Xisbiga Himilo Qaran ay si cadaalad ah u qaadi doonaan,isla markaana wax faragelin ah uga imaaneyn laanta fulinta ee Xukuumadda Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment