897 Views

Xubnihii lagu soo doortay Garbahaareey oo eedeyn u jeediyay RW Rooble

Xubnihii lagu soo doortay Garbahaareey oo eedeyn u jeediyay RW Rooble
____________________________________________________________________________


Axad: May 1, 2022

Mid ka mid ah Xubnihii lagu soo doortay Magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo Aadan Siraad Maxamuud  oo la hadlay KNN ayaa sheegay in matalaada Gobolka Gedo ay tahay xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin oo shacabka reer Gedo, isagoo xusay inay kala siman yihiin shacab weynaha Soomaaliyeed iyo deegaan doorashooyinka kale.

Wuxuu sheegay sheegay in uusan fileenin in cid ama koox gaar ah ay siyaasadeyn karto deegaan doorashada Garbahaarey, isagoo intaa ku daray inay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo dano leh ay halkaas soo gaarsiiyeen arrinta doorashada.

“Marka maadama guddoon baarlamaan oo sharci ah la doortay taladii iyo hoggaankiina ay gacanta u gashay guddoonkaas wakhtiga heysta (Man-date) waxaan rajeyneenaa in guddoonkaas Soomaaliyeed uu hadaalada wajihi doono waxa sharcigaa oo ay Soomaali ku heshiisay uu ugu hiilin doono dadka reer Gedo”Ayuu yiri Aadan Siraad Maxamuud.

“Walaalow dadkaas waa ay iska cadyihiin hadii aan tilmaam yar aan ka bixiyana Soomaaliya waxa waaye 11 deegaan doorasho iyo heshiis la yiraahdo 17 September iyo xeerkii ay baarlamaanka ansixiyeen ayey Soomaali ku heshiisay xildhibaanada maanta fadhiyana kaas ayey kusoo wada baxeen, waa cadii isku dayday inay dulmiso gobolka Gedo oo ay deegaan doorashadiisa ka wareejiso oo waxay soomaali ka heshiisay inay daba mareyso oo ay xuduudii Kenya geyso kuraastii reer Gedo cida dambigaa ka gashay Soomaaliya ama reer Gedo waxaana ugu horreeyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya” Ayuu yiri Aadan Siraad Maxamuud  oo ka mid ah xubnihii kusoo baxay doorashadii ka dhacday Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post