483 Views

Xukuumadda oo shaacisay inuu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Xukuumadda oo shaacisay inuu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee shirka Golaha Wadatashiga Qaranka
____________________________________________________________________________

Sabti: January 1, 2022

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Macalimuu oo war ka soo saaray shirka golaha wadatashiga Qaranka ayaa yiri, “Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmayo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan.”

Qoraalka Macalimuu ayaa intaas ku sii daray, “Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.

Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post