834 Views

Daalibaan oo 72 saac qabsatay magaalooyin Muhiim ah oo ay joogeen Ciidamada dalkaasi

Daalibaan oo 72 saac qabsatay magaalooyin Muhiim ah oo ay joogeen Ciidamada dalkaasi
____________________________________________________________________________


Axad: August 8, 2021

Daalibaanta ku sugan Afgaanistaan ayaa sheegtay, in ay qabsadeen magaalooyinka koonfureed ee Sar-epul iyo Kunduz, xilli ay sii wadaan in ay fidsadaan dhulka ay haystaan. Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in ay haystaan dhammaan dhismayaasha dawladda ee Kunduz,

Laakiin sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidamo gaar ah ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada oo la dagaallamayaan kooxaha kacdoonka wada.

Haddii kooxdani awoodaan inay qabsadaan Kunduz, oo loo tixgeliyo inay marin u tahay bartamaha Aasiya, waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa dowladda.

Sarkaal maxalli ah oo ku sugan Sar-e-Pul ayaa sheegay in inta badan saraakiisha dowladda ay u guureen saldhig ciidan oo ka baxsan magaalada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post