978 Views

Magaalada Baraawe oo weli ka taagan xiisad colaadeed oo ka dhalatay doorashada golaha degaanka degmadaas

Magaalada Baraawe oo   weli ka taagan xiisad colaadeed oo ka dhalatay doorashada golaha degaanka degmadaas
____________________________________________________________________________


khamiis: November 4, 2021

 Magaalada Baraawe oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose, waxa weli ka taagan xiisad colaadeed oo ka dhalatay doorashada golaha degaanka degmadaas.

Baraawe waxa shalay ka dhacay dagaal sababay khasaare kala duwan, oo salka ku haya xiisadda colaadeed ee ka dhalatay muranka golaha degaanka ee loo dhisay magaalada.

Dadaalo lagu xallinayo xiisadda ayaa ka socda gudaha Baraawe, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu kulamo la qaadanayo odayaasha dhaqanka iyo bulshada degmadaas.

Baraawe ayaa kamid ah magaalooyinka loo qorsheeyay in ay ka dhacdo doorashada xildhibaannada Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post