156 Views

Shirkii Golaha Wasiirada ee Dowladda FS iyo Xadgudubka Dowladda Itoobiya

Shirkii Golaha Wasiirada ee Dowladda FS iyo Xadgudubka Dowladda Itoobiya
____________________________________________________________________________

Golaha Wasiirrada Xukuummadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya shirkiisa aan caadiga ahayn ee lambar: SHGW058.01.2024 ee qabsoomay 02 Janaayo 2024, uuna shir guddominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda JFS waxay soo saareen qaraar ku saabsan xadgudubka Dowladda Itoobiya ee gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 1and faqradihiisa 1 iyo 2 ee Dastuurka JFS ee dhigaya in Soornaaliya tahay Jamhuuiryad Federaal ah oo dimoqraaddi ah ayna gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tahay laguma- xadgudbaan.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 7 faqradiisa 1 ee Dastuurka oo xeerinaya “Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo koobeysa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.”

MARKII AY ARKEEN:

Qodobbada 53ad iyo 54 ee Dastuurka oo siinaya Dawladda Federaalka Soomaaliya xaq awoodeed ee gelista heshiisyo caalami ah gaar ahaan arrimaha la xiriira siyaasadda Arrimaha Dibedda, Dhaqaalaha, Difaaca, iyo Amniga.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 51 faqradiisa 4 ee Dastuurka oo dhigaya “Dhammaan heerarka Dowladda waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, iyada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey.”

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 2d faqrada 4 ee Axdiga Qaramada Midoobay ee ku saabsan laguma xadgudbaannimada madaxbaanaannida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee dal iyo Qaraarka Golaha Guud ee Qaramaha Midoobay ee tirsigiisu yahay 2625 oo xeeriyay “Dalna uma isticmaali karo in uu dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan, ciidan ahaan, ama ficil kasta oo ku khasbaya dal kale in uu maquuniyo xuquuqdiisa madaxbannaanida si looga faa’ideysto.”

MARKII AY ARKEEN:

Mabaadii’da sugaya xurmada gobonnimada iyo midnimada geyiga dalalka Afrika ee lagu xeeriyay Axdiga Ururka Midowga Afrika “OAU” iyo Xeerka Dhismaha Midowga Afrika “AU” ee 2002 iyo midka Urur Gobolleedka IGAD.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo saartay qaraarka soo socda:

1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u diideysaa, isla markaana si cad uga soo horjeeddaa tallaabada gurracan ee Dowladda Itoobiya ay ku sheegtay in ay si sharcidarro ah heshiis is-afgarad iskaashi iyo wadashaqeyn kula gashay maamulka Somaliland (Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya), taariikh 01/01/2024, Addis Ababa. Sida uu qabo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xeerarka dalka iyo xeerarka caalamiga ah – Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa tallaabadani mid gardarro ah oo halis gelinaysa deris-wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka oo markii horeba la daalaa-dhacayay dhibaatooyin kala duwan, waxayna xadgudub iyo faragelin qaawan ku tahay madaxbanaannida, gobonnimada, iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Waxa lagu sheegay “heshiis is afgarad iskaashi iyo wadashaqeyn” waa waxba kama jiraan, mana ahan mid ay aqbalayso Dowladda Federaalka Soomaaliya mana laha saldhig sharciyeed.

4. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay Dowladda Itoobiya uga digeysaa isku day kasta oo xadgudub ku ah gobonnimada, madaxbannaanida, iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay kaga jawaabto tallaabada gurracan ee ay qaaday Dowladda Itoobiya waddo kasta oo sharci ah.

5. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ficilka Itoobiya u aqoonsatay in uu yahay gardaro iyo duullaan qaawan oo ka dhan ah gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6. Dowladda Soomaaliyeed oo ku tiirsan awoodda shacabkeeda waxay diyaar u tahay waajibna ka saaran yahay difaaca, ilaalinta iyo dhowrista gobonnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalkeeda.

7. Dowladda Soomaaliya waxay ka dalbaneysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibbada kale ee daneeya nabadda iyo xasilloonida Gobolka iyo caalamka, iyagoo ilaalinaya xeerarka ay ku dhisan yihiin, gudanayana waajibaadkii loo aasaasey in ay garab istaagaan xaqa Soomaaliya ee ilaalinta midnimadeeda dhuleed, kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay ku soo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

8. Dowladda Soomaaliya waxay ka dalbanaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika inay qabtaan kulamo deg deg ah si looga arrinsado xadgudubka iyo faragelinta Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbanaannida iyo midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya.

9. lyadoo arrintan laga jawaabayo, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay la tashi degdeg ah ugu yeeraysaa safiirkeeda dalka Itoobiya.
Ugu dambeyntii Xukuumadda JFS waxay soo saareysaa amarrada munaasibka ku ah ilaalinta qaranimadeeda iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah, dhammaan hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa la farayaa in ay u istaagaan fulintooda.

___________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post