1089 Views

Xildhibaan C/raxmaan Odawaa oo baaq u diray Madaxda Dowladda

Xildhibaan C/raxmaan Odawaa oo baaq u diray Madaxda Dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  03- 2019–Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaanada Galmudug dhibaato ba’an ku haaya Xayawaanka AYAXA,kaas oo  ku duldagay deegaanada Galmudug,,isla markaana daaqii xaalufiyay,waxaana dhibaatadaas baaq kazoo saaray Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka kana mid ah musharixiinta Galmudug ayaa sheegay in dadka reer Galmudug gaar ahaan Beeraleyda uu dhibaato ku haayo AYAXA loona baahan yahay in wax laga qabto.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in AYAXA uu xaalufiyey dhul daaqsimeed farabadan oo dadka beeraleyda ay ay beerteen,isla markaana ay cabasho u soo gudbiyeen dadka uu matalo ee reer Galmuudg.

 

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayuu ugu baqay Madaxda dowlada federaalka iyo hay’adaha caalamiga in ay gargaar la  gaaraan dadka reer Galmudug si loo badbaadiyo nolosha dadka xoola dhaqatada ah ee AYAXANI dhibaatada ba’an ku hayo.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment