132 Views

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shirguddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shirguddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho — Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka. Waxaa ku weheliyay guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka oo ugu horeyn warbixin uu ka siiyay xubnaha Guddiga Guddoomiye Sheekh Aadan, ayuu ku faafaahiyay arrimaha dib eegista Dastuurka KMG ah iyo Shuruucda muhiimka u ah dowladnimadda dalka, waxaa ayna sidoo kale  Xubnaha Guddiga Joogtada ka doodeen hubinta ajandyaasha horyaala Golaha, waxayna isla eegeen kuwa hortebinta leh ee mudan in la hor keeno Golaha.

Xildhibaan Xuseen Iidoow oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dib u Eegista Dastuurka ee BJFS oo xubnaha guddiga hortooda warbixin looga dhageystay ayaa ka hadlay habraaca ay mudanayaasha Labada Aqal ansixiyeen, isagoo sheegay in soo jeedimihii Xildhibaanada ee aqrimihii koowaad iyo labaad lagu lifaaqay, isagoo tilmaamay in habraacaan muhiim u yahay shaqada dib u eegista dastuurka KMG ah ee JFS.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post