564 Views

Qodobo kasoo baxay kulankii Madaxweynayaasha Galmudug & Puntland

Qodobo kasoo baxay kulankii Madaxweynayaasha Galmudug & Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 24, 2020 –Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug waxaa Maanta lagu qabtay  Shirka iskaashiga Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland, kaas oo ay ka qeyb-galeen Madaxweynayaasha labada maamul ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor & Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay  dardar gelinta iskaashiga labada xukuumadood ee Arrimaha amniga degaannada Gobolka Mudug  iyo Doorashada qaran ee lagu muransan yahay.

Shirka ayaa waxaa kasoo baxay dhowr qodob oo muhim u ah labada maalin iyo sidii loo wadi laha xalka gaarista arrimaha muranka ka taagan ee hareeyay qabsoomida doorashooyinka dalka.

Qodobada Shirka kasoo baxay ayaa waxaa kamid ah

1: in ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne inay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu soo dhoweyn lahaayeen dhinacyada ku kala aragtida duwan hannaanka qabsoomidda doorashada.

2: In labada Maamul ee puntland & Galmudug ay iska kaashadaan sugida Amniga degaannada Galmudug oo bilihii la soo dhaafay ay ka dhaceen falal Amni darro.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro iyo Saraakiil Madaxtooyo oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka ee labada dhinac ee Gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post