858 Views

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dhuusamareeb

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-15-2020–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa Saacaddaha soo socda in uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug halkaasi oo uu ka furmi doona Shirka Dhusamareeb 3.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay Safarka Madaxweynaha ee Magaalada Dhuusamareeb.

“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga” ayuu yiri Madaxa Warfaafinta xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

ka hor inta uusan u safrin Dhuusamareeb Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad uu kaga hadlaayo arimaha doorashooyinka u jeedin doonna Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa si weyn loo hadal haya waxa uu Madaxweyne Farmaajo u sheegi doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana warar qaar ay sheegayaan in uu dalban doono in loo kordhiyo waqtiga magacaabista Ra’iisul Wasaaraha.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post