1314 Views

Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga oo xilka qaadis lagu sameeyay

Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga oo xilka qaadis lagu sameeyay
____________________________________________________________________________

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdullaahi Cali Xasan ayaa waxaa  Shaqada looga joojiyay xilkana  looga qaaday Agaasimihii Wasaaradaas Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Wareegtada oo ku taariikheysan 28/8/2019 ayaa lagu sheegay in xilkaasi si KMG ah loogu dhiibay Cabdi Casiis Ibraahim Aadan oo hore u ahaa Xoghayaha Joogtada ee  Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha.

Sababaha xilka looga qaaday shaqada Wasaaraddana looga joojiyay ayaa lagu sheegay in la tixraacayo Warqad uu Wasiirkii hore ee Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu Shaqada uga joojiyay iyo baaris lagu sameeyay kadib markii Shaqada dib loogu soo celiyay lagu ogaaday qodobadaan.

In Cabdullaahi Xayir Ducaale uu Shaqaalaha Wasaaradda ka dhex abaabulayo kooxeysi,qabiileysi,cabsi gelin, maamul-xumo musuq maasuq,been abuur iyo iska horkeen Shaqaalaha dhexdooda ah tan iyo markii uu Shaqada kusoo laabtay.

Agaasimah aguud ee xilka laga qaaday ayaa lagu amray in wixii qalab iyo Dukumiinti ah ay Wasaaradda leedahay uu wareejiyo, kadibna uu iska xaadiriyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Shaqa joojinta iyo xilka qaadista

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment