534 Views

Maxbuuskii mar hoggaamin jiray Shabaab ee wasiirka noqday

Maxbuuskii mar hoggaamin jiray Shabaab ee wasiirka noqday
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 3, 2022

Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta, ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta loo magacaabay Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.

Warka in lagu darayo golaha wasiiradda Sheekh Mukhtaar Rooboow, ayaa in dhawaalaba la isla dhax marayey iyadoo su’aalo la iska weydiinayay sida ninkan oo ilaa hadda ah maxbuus u xirnaa dowladda looga dhigay wasiir.

Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, ayaa ku qaatey afar sano xabsi guri,  isagoo kamid ahaan jirey hoggaamiyeyaasha ugu sareeya ee Alshabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii dib loo doortay wuxuu sheegay in ahmiyad gaar ah uu siinayo amniga, iyo la dagaalanka Alshabaab.

“Waxaan dalka u dajinaynaa siyaasad cusub, taasoo ah in Alshabaab in la tirtiro. Siyaasadihii hore waxey ku saleysnaayeen ciidan duullaan oo dagaal la galaya Alshabaab, haatan waxaan keenay siyaasad cusub, oo ah dhanka fikirka ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, mar uu la hadlayey ciidanka Soomaaliya ee tababarka u joogga dalka Turkiga.

Waxay u muuqataa in xukkumadda xamsa ay u aragtay in Robow uu arrintaasi door weyn ka qaadan kara.

Waa kuma Roobow?

Sheekh Mukhtaar Rooboow, ayaa wuxuu kamid ahaa aasaasayaashii ururka Al-Shabaab, oo in ka badan 16 sano ka dagaalamayay gudaha dalka Soomaaliya.

Wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii Midowgii Maxaakiimta, oo sanadkii 2006-dii ka adkaaday isbaheysigii La Dagaalanka Argagixisada, oo ay ku mideysnaayeen dagaal oogayashii magaalada Muqdisho, iyo Koonfurta Soomaaliya.

Abuu Mansur Roobow wuxuu kamid noqday hoggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay, kadib markii Maxaakiimtii Islaamiga ee laga saaray magaalada Muqdisho, dhammaadkii sanadkii 2006-dii.

Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka Al-Shabaab, sannadkii 2007-dii, isagoo ka hadli jirey fagaarayaasha dadka la isugu keeno iyo waliba saxaafadda.

Waxaa kaloo la sheegey in Roobow uu ka qeybgalay shirkii magaalada Asmara ee dalka Eritrea, ee la isugu geeyey siyaasiyiin ay kamid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo markii dambe dalka madax ka noqday.

Xiritaanka Mukhtaar Roobow

Mukhtaar Roobow, ayaa xabsiga loo taxaabay bishii Disembar ee sanadkii 2018-kii, xilli uu waqti kooban ka harsanayd doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ka mid ahaa murashaxiinta ugu cadcad.

Xarigiisa ayaa sababey in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo lasoo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay dad rayid ah, iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Rooboow.

Horraantii sannadkii 2019-kii, siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya, ayaa BBC-da u sheegay i uu dib u dhac ku yimid rajo laga qabay dhaqdhaqaaqyada ku aaddan sii deynta Mukhtaar Roobow.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post