1230 Views

Dhismaha Derbiga Kenya Ka Dhisayso Xuduudka Somalia Oo Weli Dhibaato Ka Taagan Tahay

Dhismaha Derbiga Kenya Ka Dhisayso Xuduudka Somalia Oo Weli Dhibaato Ka Taagan Tahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 07, 2019 –Markii ay Dowladda Kenya shaacisay qorshaha Dhismaha Derbigaasi waxaa jiray Aragtiyo kala duwan oo lagu naqdinayo qorshaha dhismahaasi oo loo qoondeeyey lacag dhan 3.4 Billion oo Shillinka Kenya.

Dhismaha derbigaasi ayaa la hindisay, kadib, weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen Jaamacadda Garissa bishii April 2-dii ee sannadkii 2015-kii oo la sheegay inay ku geeriyoodeen 148 qof oo badankooda Arday ahaa. Dhismaha Derbigaasi ayaa la qorsheynayaa in laga dhiso 700 KM oo ku dherersan Xuduudka Kenya iyo Somalia, iyadoo lagu rakibayo Kaamerooyinka Dahsoon ee CCTV iyo fiilooyin mudacyo leh, o oloogu talagalay inaysan dadka kaa soo gudbi Xuduudkaasi.

Haatan, qorshaha Dhismaha asi ayaa u istaagay sababo dhaqaale la’aan iyo khilaaf ka dhashay Taabagelintisia.

Xildhibaanadda Barlamaanka dalkaasi waxay si xooggan uga biyo diideen qorshaha Warbixinta dhismaha Derbigaasi oo ilaa iyo haatan laga dhisay wax ka yar 10-Kiilomitir.

Xildhibaanadda waxay ku baaqeen in Baaritaan buuxa lagu sameeyo Mashruucaasi oo u muuqda in Kharajkii loogu talagalay la musuqmaasay.

Warbixinta Barlamaanka Kenya loo gudbiyey waxaa lagu xusay in 3.4 Billion oo Shillin loo adeegsaday dhismaha 10 KM oo ka mid ah Derbigaasi, iyadoo horey qorshuhu u ahaa in Kharajkaasi lagu dhamaystiro dhismaha Derbiga oo ku fadhiya dhul masaafadiisu dhan tahay 700 KM.

Tan iyo sannadkii 2015-kii, Muwaadiniinta Soomaalida iyo kuwa Kenyanka  ee deggan Mandheera ilaa Beled-xaawo Somalia waxay ka soo horjeesteen Aragtida lagu dhisayo Derbigaasi, waxayna Dowladda Kenya ugu baaqeen inay damaanad-qaad buuxda la siiyo, ka hor inta uusan bilaabin dhismahaasi.

Ugu yaraan 64 guri oo ku yaalla xuduudka dhanka Somalia ayey Kenyanku u asteeyeen in la dumiyo, maadaama ay sheegeen inuu saamaynayo dhismaha Derbigaasi.

Ilaa hadda Deegaanadda isku xira Mandheera iyo Beled-xaawo wey furan yihiin, iyadoo loo fasaxay dhaqdhaqaaqa dadka iyo badeecadaha u kala gudba labadaa magaallo.

Sidoo kale, dadka deggan labada dhinac ee xuduudka waxay sheegeen inu uDerbigaasi caqabad ku noqonayo Gnaacsigooda iyo dhaqdhaaq kasta ee Ganacsiga, dadka iyo Xoolaleyda labada dhinac ee hadba dhanka kale ee daaqsiinta leh u kala gudbaan.

Dowladda Kenya waxaa lagu khasbay inay joojiyaan Mashruucaasi bishi iMarch ee sannadkii hore ee 20180-a, kadib, dareen xooggan muujiyeen  Mujtamaca deggan nawaaxiga goobaha derbiga la marsiinayo

Si kastaba ha ahaatee, Mashruuca Dhismaha Derbigaasi ayaa loo qoondeeyey 3 weji, o okala ah qeybta Waqooyi oo ka bilaabanaysa Mandheera ilaa Ceel-waaq oo 160-Kiilomitir ah, Qeybta Dhexe oo ka bilaabanaysa Ceel-waaq ilaa Libat oo 445 KM ah iyo qeybta Koonfurta oo ka bilaabanysa Libat ilaa Kiyunga oo 105 KM ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment