924 Views

Midowga Yurub oo taageeray go’aankii Midowga Afrika ee lagu cambaareeyey muddo kororsiga labada sano ah ee Farmaajo iyo golaha shacabka.

Midowga Yurub oo  taageeray go’aankii Midowga Afrika ee lagu cambaareeyey muddo kororsiga labada sano ah ee Farmaajo iyo golaha shacabka.
____________________________________________________________________________

April 23-2021

Saacado kadib hadalkii ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee looga soo hor jeeday ku darsashadii 2 sano ee Dowlada waqtigeeda dhamaaday ayaa Waxaa Mar kale arintaas ka soo hor jeestay EU.
Midowga Yurub ayaa taageeray go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee lagu cambaareeyey muddo kororsiga labada sano ah ee Farmaajo iyo golaha shacabka.
Wakiilka sare ee Midowga Yurub ee Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrel ayaa sheegay in go’aanda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ay yihiin kuwa muhiim ah oo la soo dhoweeyo
“Midowga Yurub wuxuu taageerayaa diidmada muddo kororsi kasta, wuxuuna sugayaa in deg deg loogu laabto wada-hadallada, ayada oo uu fududeynayo ergeyga Midowga Afrika, si loogu guuleysto heshiisyo doorasho oo saldhig looga dhigayo heshiiskii 17-ka September 2020,” ayuu yiri Borrel oo soo saaray war-saxaafadeed.
Borrel ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhoweynayo baaqa ku saabsan inay kulmaan dalalka ciidamada ku tabaruca Amisom Troop Contributing Countries (TCC), si ay u qiimeeyaan xaaladda amni ee Soomaaliya.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrik ayaa shalay ka codsaday Amisom inay isha ku hayaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada Soomaaliya, islamarkaana kulan arrintan ku saabsan ay yeeshaan dalalka ciidamada ku tabaruca.
“Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo ergeyga Midowga Afrika, islamarkaana wuxuu codsanayaa degenaansho iyo in laga fogaado ficil kasta oo kasii dari kara xiisadda,” ayuu yiri Wakiilka saree e Midowga Yurub ee Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrel.
Sidoo kale Go’aanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa dhabar jab weyn ku noqday Farmaajo, ayada oo ururka Midowga Afrika uu ahaa kan kaliya ee ka harsanaa beesha caalamka, xilli ay horey muddo kororsiga ay u diideen QM, Midowga Yurub, Mareykanka iyo dhammaan dalalka Yurub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post