942 Views

Mid kamid ah Wadooyinka ugu muhiimsan gobolka Hiiraan oo go’day

Mid kamid ah Wadooyinka ugu muhiimsan gobolka Hiiraan oo go’day
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 30, 2020 –Waxaa hakad gala isku socodka dadka iyo Gaadiidka wadada xiriirisa Magaalooyinka Matabaan iyo Beledweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan, kadib  markii saacadihii la soo dhaafay ay dilal  ka dhaceen.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa si kala gooni gooni ah laba Darawal ugu dilay inta u dhaxeysa Matabaan iyo Beledweyne, waxaana xalay sidoo kale gaari lagu rasaaseeyay wadadas ku dhintay hal Ruux halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Saaka wararka aan ka helnay degmooyinka Matabaan iyo Beledwyen ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan inay istaageen Gaadiidkii u kala gooshi jiray labada Magaalo sababo amni dartood.

Dilalkii ka dhacay Gobolka Hiiraan 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay inay salka ku hayaan arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo dhowr jeer uga dhacay degaanbo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dadka ku safra wadada xiriirisa degmooyinka Matabaan iyo Beledweyne ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujinayan falalka amni darro ay kusoo kordhay wadadaas, iyaga oo ugu baaqay maamulada labada degmo inay wax ka qabtaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post