999 Views

Soomaalidu cashar ma ka baran karaan sida dadka Mareykanku kaga falceliyeen dilkii George Floyd.?

Soomaalidu cashar ma ka baran karaan sida dadka Mareykanku  kaga falceliyeen dilkii George Floyd.?
____________________________________________________________________________

Falkii lagu dilay ninkii madowga Mareykanka ahaa George Floyd, wuxuu kiciyey dareenka shucuubta Mareykanka, waxaanna  magaalooyinka isqabsaday bannaanbaxayo lagu cambaareynayo askarigii falkaasi gaystay iyo kuwii ku daawanayey.

In damiirkaagu diido, soona celiyo dulmiga nuuc kasta ha ahaado’e kuma xirna midabkaaga, sida laga dheehan karo bannaabaxayaasha oo isugu jiraa cadaan, madow, laatiin, eeshiyaan iyo qolo kastaba, dadkaasi waxay ka mideysan yihiin hal hadaf oo qura, kaas oo ah, wixii aan ka aragnay shaashada damiirkeenu wuu diiday.

Adigoo Soomaali ah, marka aad aragto shucuurta iyo dareenka ka muuqata dadkaasi, ka dhiidhinaya xadgudubka lagu sameeyey ninkaasi dhalinyarada ahaa, waxaa kugu soo dhacaya ama aad isweydiineysaa haddii ay Soomaalidu sidaas oo kale ugu midoobi lahayd marka dad birimageyda ah dulmi iyo kibir lagu dilo dhibaatadu intaas innaguma raagi lahayn.

Waxa Soomaaliya, qaasatan magaalada Muqdisho ka dhacaya mararka qaar ma ahan wax qof damiirkiisu nool yahay  u dulqaadan karo, waxaad goob joog u noqoneysaa argagax iyo jariimooyin ciidaas ka badan oo ay gaysanayaan kuwa damiir laawayaal ah.

Ka warran, isla maalinta lagu dilayo George Floyd magaalada Minnesota, waxaa  lagala baxay rug caafimaad oo ay ka shaqeynayeen deegaanka Gololeey 8 muwaadiniin Soomaaliyeed oo biri-mageyda ah, oo kulligood ahaa dad wax bartay oo mutacalimiin ah, isuna xilqaamay in ay dadkooda caawiyaan in meel qura lagu xasuuqay, ilaa haddana aan waxba la iska waydiin, sidoo kale maalin kaddib ugaas iyo nin ilaalo u ahaa, iyo nin kale oo nabadoon ahaa ayaa kibir lagu dilay xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid, hadda oo aan sadaradan qorayo dad shacab ah oo saaran gaadiid dadweyna ayaa ku le’day qarax gaarigaasi loo dhigay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

HADDABA, dadkeenna Soomaalida ah, waxaa la gudboon in ay ka dhiidhiyaan falalka gurracan, si midnimo lehna u wajahaan dhibaatooyinka dalkeena ka dhacaya.

W/Q: Ruqiyo Cabduqaadir

Munchengladbach, Germany

E-mai: r.abdukadirmoh@hotmail.com

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment