1578 Views

WHO oo dalalka Yurub ugu digtay faafitaanka Feyruska Omicron

WHO oo dalalka Yurub ugu digtay faafitaanka Feyruska Omicron
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 22, 2021

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee  magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa ku boorisay dowladaha Yurub inay u diyaar garoobaan ka hortaga Feyruska  Omicron,  kaasi oo koror weyn laga dareemayo kiisaskii ugu danbeeyay ee uu soo ritay, gaar ahaan dadka ku nool Qaaradda Yurub.

Shir jaraa’id oo uu fiidnimadii Xalay ku qabtay Caasimadda Austria ee Vienna , Hans Kluge, oo ah Agaasimaha Ururka Caafimaadka Adduunka ee Qaaradda Yurub, ayuu ugu digay dalalka Yurub faafitaanka xanuunkan.

“Waxaa noo muuqato mowjadaha xanuunka Omicron, oo ku socodo xawaare sare, taasi oo ku wajahan waddamo badan oo gobolka ah, sidaa darteed  Waddamada reer Yurub waxaan ku wargilineynaa in ay ka digtonadaan faafitaanka xanuunkan.”

Hans Kluge,  ayaa sidokale xaqiijiyay  in 38 ka mid ah 53 xubnood ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee Qaaradda Yurub, laga helay Feyruska Omicron.

Feyruskan Omicron mutant,  ee qeybta ka ah xanuunka  Covid 19, ayaa sida la sheegay noqonaya mid ka ugu xooggan dhamaan faracyada Feyruskan Covid 19.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post