1050 Views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo  dalka dib ugu soo laabtay
____________________________________________________________________________

Khamiis August 19, 2021

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Masar.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar, kordhinta deeqaha Waxbarashada Masar siiso ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga, waxaana si guul ah ku soo dhamaatay  booqashada wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdiga uu hogaaminayay waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda, maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post