1041 Views

Soomaaliland oo toogasho ku fulisey Lix Ruux (Akhriso sababta)

Soomaaliland oo toogasho ku fulisey Lix Ruux (Akhriso sababta)
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 15, 2020—Soomaaliland ayaa Maanta waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisey lix ruux oo kasoo kala jeeda deegaano kala duwan,kuwaas oo horey Maxkamadaha Soomaaliland ay ku rideen Xukun dil toogasho ah.

 

Ragga la toogtey oo gaaraya lix ayaa waxaa ay kasoo kala jeedaan deegaannada Sool Sanaag Iyo Gabilay,waxaana saaakay lagu toogtay Xabsiga Mandheera ee Gobolka ay Soomaaliland u taqaano Saaxil.

 

 

 

Ragga toogashada lagu fuliyey oo Soomaaliland ay sheegtay inay dilal horey uga geysteen deegaannada ay kasoo jeedaan ayaa waxaa lagu kala Magacaabi jirey.

 

1: Axmed-Guray Ibraahin Faarax oo kasoo jeeda Magaalada Burco

 

2: Farxaan Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Magaalada Buuhoodle

 

3: Cabdullaahi Ismaaciil Xayd oo kasoo jeeda Magaalada Burco

 

4: Ceydaruus Khadar Haybe oo kasoo jeeda Magaalada Hargeysa

 

5: Khadar Aleel oo kasoo jeeda Gobolka Magaalada Gabiley

 

6: Xasan Muxumed Cismaan oo kasoo jeeda Magaalada Hargeysa.

 

Qaar kamid ah ehelada dadka Maanta ay Xukuumadda Soomaaliland dilka toogashada ah ku fulisey ayaa waxa ay horey u sheegeen inay si sharci darro ah ku xiran yihiin,hayeeshee ugu dambeyn Maanta la toogtay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment