321 Views

Madaxweynaha Puntland oo xadhiga ka jaray wadad Laacdheere – Rabaable ee Gobolka Nugaal taasi oo dhan 14 KM, oo la dhameystiray dhisme iyo dayactir lagu sameeyay.

Madaxweynaha Puntland oo  xadhiga ka jaray wadad Laacdheere – Rabaable ee Gobolka Nugaal taasi oo dhan 14 KM, oo la dhameystiray dhisme iyo dayactir lagu sameeyay.
____________________________________________________________________________

Sabti: January 7 2023 

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xadhiga ka jaray wadad Laacdheere – Rabaable ee Gobolka Nugaal taasi oo dhan 14 KM, oo la dhameystiray dhisme iyo dayactir lagu sameeyay.

Wadada Laacdheere-Rabaable ee maanta xadhiga laga jaray ayaa waxaa lagu hirgeliyay Cashuurtii Shacabka laga qaaday oo Dalka dib loogu celiyay, waxaana dhistay Wadada Shirkadda Wadaniga ah Kebarco.

Munaasabadda Xadhig jarka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Howlaha Guud, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Hay’adda Waddooyinka Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Gudoomiyaha Degmada Garoowe, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, la-taliyaal Madaxweyne iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan.

Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu isla maanta dhaggax dhigay Wadada isku xirta Brita-dheer iyo Kalabaydh oo lagu sameynayo dayactir iyo dib u dhis, waxaana ay qeyb ka tahay Waddooyinka ay dhisayso Shirkadda Kebarco, ee lagu hirgalinayo Qorshaha Cashuurta Dalka lagu dhisayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post