357 Views

Ilhaan Cumar oo ku dhaggan xubin sare oo ka tirsan Jamhuuriga

Ilhaan Cumar oo ku dhaggan xubin sare oo ka tirsan Jamhuuriga
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 8, 2022

Xildhibaanad, Ilhaan Cumar, oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaanan ka laba labeyn inay u jawaabto, markii ay maqashay isku dayga ay uga hortagayaan xildhibaano ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, tallaabada Madaxweyne, Joe Biden, uu ku doonayo in deynta lagaga cafiyo ardayga.

Talaadadii, Sanator, Ted Cruz, ee gobolka Texas, ayaa u sheegay Wargeyska Washington Post, inuu ka shaqeynayo inuu u gudbiyo dacwad dacwad oogaha sare ee maxkamadda sare, taasoo uu kaga hortagayo qorshaha deyn cafinta ee uu wado Biden.

Kadib markii ay soo baxday in Cruz uu yahay “maskaxda ka danbeysa” qorshahan, si uu uga hortago deyn cafinta uu wado Madaxweyne Biden, xildhibaanad Ilhan Omar, ayaa ku soo qortay barteeda Twitter-ka ineysan haba yaraatee ka walaac ka qabin su’aalaha la xiriira sharcinimada ku xeeran deyn cafinta.

“Muxuu hadal yar oo xun ku fadhiyaa, la yaab ma leh inuu sidan wax u qoro Cruz,” Ilhan Cumar, ayaa sidaasi qortay.

“Nasiib wanaag, baabi’inta deynta ardaygu waa sharci, waana in dariiqaas sharciga lagu taagnaadaa. Dadka ha xareeyaan codsiyadooda bisha Oktoobar, haddii aad u qalanto deyn cafinta, inta aan la gaarin dhammaadka bisha December.”

Cruz, ayaa kal hore ku sheegay muuqaal la baahiyey in kahortagista qorshaha maamulka haatan ee Maryekanka, ee dhanka cafinta amaahda ardayda ay adkaan doonto.

“Dhibaatada halkan ka jirta ayaa ah inaan la heyn qolo si joogta ah u diyaar ah inay kaga hortagto qorshaha deyn cafinta ardeyda dhanka iyo maxkamadda, illaa iyo inta laga soo gaba gabeynayo. Taasi waxay tusaale cad u tahay iney jirto caqabad dhab ah,” ayuu yiri Cruz.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post