1329 Views

DEG-DEG:-Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidanka Amniga Oo Toogtay Nin Hubeysan Oo La Dagaalamay

DEG-DEG:-Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidanka Amniga Oo Toogtay Nin Hubeysan Oo La Dagaalamay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 16, 2019–Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen Guri ku yaalla Xaafad ka tirsan degmada Warta-Nabadda ee Gobolka Banaadir,kadib markii gurigaas uu galay Nin hubeysan.

Gelinkii dambe ee galabta ayaa Ninkaas oo ku hubeysnaa Bambooyin uu ku weeraray fariisimo Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Xaafada Furayaasha ee degmadaas,isla markaana ay soo Eryadeen Ciidanka,hayeeshee markii dambe uu galay guri ay leeyihiin Dad shacab ah.

Ciidanka ayaa isku gadaamay guriga uu galay Ninkaas oo ku yaalla Xaafada Cali Kamiin  ee Warta-Nabadda,isagoo la sheegay in dhowr daqiiqo uu dhex dagaalamayay, bambooyina uu ku soo tuurayay Ciidamadii ku hareereysnaa.

 

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Qaranimo Online ayaa u sheegay in Ciidanka markii ay dambe Ninka hubeysnaa ay lugta ka tootgeen,iyagoona horey u watay.

 

Warar qaar ayaa sheegaya in Ciidankii la dagaalamayay ninkaas Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir uu amar ku bixiysay in aan la dilin,balse ay gacanta ku soo dhigaan isaga nool.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment