1125 Views

SAWIRO:-QM iyo AMISOM oo ka shiray dardar-gelinta dagaalka Al-Shabaab

SAWIRO:-QM iyo AMISOM oo ka shiray dardar-gelinta dagaalka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 30-2019 —Magalada Muqdisho waxaa ka furmay Shir u dhaxeeya AMISOM iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS),,waxaana looga hadlayaa in la sameeyo qorshe-hawleed dhameystiran oo lagu hago howlaha iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) laga bilaabo 2019 illaa 2021 laguna hagaajiyo fikradihii Hawleed ee dib loo eegay. Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya (STP).

 

Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa waxqabadka ugu weyn ee hoos imaanaya Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, marka la filayo in AMISOM ay baxdo oo ay ku wareejiso mas’uuliyadda amniga dalka Ciidamada Amniga Soomaaliya marka la gaaro 2021.

 

Madaxa Howlgalka AMISOM ahna Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa sheegay in shirkaan uu kusoo aaday waqti ay AMISOM qabaneysay howlo muhiim ah sida howlgalada militari ee joogtada ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Danjire Madeira ayaa yiri: “Waxyaabahaas oo dhami ma dhici karaan iyada oo aan la helin qorshe ku filan iyo taageero lojistik oo ay weheliso jawi hawlgal oo adag iyo gaarsiinta saadka loo adeegsado guusha howlgalka AMISOM.

 

Madaxa Xafiiska Taageerada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey  Lisa Filipetto ayaa dhankeeda amaantay doorka ay AMISOM ka ciyaartay xasilinta Soomaaliya waxayna ku celcelisay sida ay uga go’antahay UNSOS in la hubiyo in waqtigeeda la helo taageero kufilan howlgalka AMISOM.

 

Shirka ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa saraakiil ka socotay Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, wakiilo ka kala socda dhamaan ciidamada ka joogaan Somalia, saraakiisha sarsare ee AMISOM ee militariga, booliska iyo qaybaha Bulshadarayidka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment