489 Views

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Japan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Japan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28 Agoosto 2022– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee TICAD8 – Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa Hayashi.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiir Hayashi ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed – isagoo intaa raaciyay inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka.

_______________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post