768 Views

Midowga Yurub oo u magacawday Ergayga cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Tiina Intelmann

Midowga Yurub oo u magacawday Ergayga cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Tiina Intelmann
____________________________________________________________________________

Axad: September 5, 2021

Midowga Yurub ayaa u magacawday Ergayga cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Tiina Intelmann oo horey usoo noqotay Safiirkii hore ee Estonia u fadhiyay Boqortooyada Ingiriiska.

Haweeneydan ayaa bedeleysa safiirkii hore ee Midowga Yurub u qaabilsanaa Soomaaliya Nicalos Berlang oo mudo sadex sano ah shaqadan hayay, waxaana safiirkan laga sagootiyay Muqdisho uu mudo ka shaqeenaya.

Tiina Intelmann ayaa soo noqotay safiirka Estonia u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska intii u dhaxaysay 2017 ilaa bishii Ogosto ee sanadkan. Intii u dhaxeysay 2014 iyo 2017, waxay ahayd Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Liberia.

Midowga Yurub ayaa taageero dhinacyo kala duwan leh siiya dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana Midowga Yurub hormuud u yahay wadamada Beesha caalamka qaarkood ee fadhiisinka ku leh gudaha Muqdisho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post