972 Views

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo la kulmay Ergayga QM ee Soomaaliya James Swan

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo la kulmay Ergayga QM ee Soomaaliya James Swan
____________________________________________________________________________

Talaado:September 21, 2021

  Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal ee Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed Cirro ayaa markale kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Dhinacyada ayaa waxaa ay ka wada hadleen dadaallada lagu xaqiijinayo in doorashada Golaha Shacabka ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay oo ay noqota mid loo dhanyahay.

Dhankiisa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu maanta mar kale la kulmo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ee Soomaaliya, Maxamed Xasan Maxamed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post