1083 Views

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Oo U Ambabaxay Turkiga

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Oo U Ambabaxay Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 21, 2019–Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi, iyo maareeyaha dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud ayaa kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka hoggaaminayo ee u baxay dalka Turkiga.

 

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa inta uu joogo Turkiga waxa uu kulamo la qaadanayaa mas’uulyiin kamid ah dawladda Turkiga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment