1044 Views

Diyaarad ku burburtay Garoonka Beledweyne

Diyaarad ku burburtay Garoonka Beledweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 14 2020–Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in diyaarad nooca Xamuulka qaada ah in ay ku burburtay Garoonka Magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif.

Diyaarada oo ka tagtay dalka Jabuuti ayaa shaqaalihii saarnaa oo saddex ahaa laga badbaadiyay.

Diyaaraddaan ayaa raashin gargaar ah oo loogu tala galay dadkii ka barakacay Fatahaadda Webiga ee magaaladda Baladweyne.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u xaqiijiyay in diyaaraddan ay leeyihiin Ciidanka AMISOM.

Duuliyihii diyaaradda iyo caawiyaashiisa oo laba ahaa ayaa ka badbaaday shilkaas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post