996 Views

Cali Geedi oo ka digay in la siyaasadeeyo Khatarta COVID19

Cali Geedi oo ka digay in la siyaasadeeyo Khatarta COVID19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 28- 2020–Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in Cudurka Coronavirus uu kusii baahayo Soomaaliya loona baahan yahay in laga digtoonaado.

 

Waxaa uu sheegay Cali Maxamed Geedi in Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Xubnaha mucaaradka looga baahan yahay aysan siyaasadeyn khatarta Cudurka COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya.

 

 

 

“Waxaan arkayay dad siyaasadeynayay khatarta Cudurka kuwa sheegaya in bandowga dowladda ay soo rogtay uu yahay sharci darro,xaqiiqdii in laga shiro oo Golaha Sharci dejinta la horgeeyo uma baahno fulinta Bandowga oo waa arrin taagan ayuu yiri’ Cali  Maxamed Geedi.

 

Ugu dambeyn Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay inay sida ugu wanaagsan u wajahan ka hortegida Cudurka Coronavirus.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment