1878 Views

Wasiir Maareeye Oo Ka War Bixiyay Ganacsiga Iyo Kheyraadka Dalkeenna

Wasiir Maareeye Oo Ka War Bixiyay Ganacsiga Iyo Kheyraadka Dalkeenna
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 11, 2018 —Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir, ayaa Saakay khudbad dheer oo ka hadlaysa Ganacsiga, khayraadka Dalkeenna iyo fursadaha Maalgashi ee jira ka jeediyey shirka Wasiirrada ganacsiga Africa iyo Turkiga oo Maalintii Labaad ka socda Magaalada Istanbul.

Shirkan oo ah kii Labaad ee ay ku kulmaan Dowladaha Afrika iyo Turkiga, ayaa Shalay ka furmay Magaalada Istanbul, kaasoo lagu wado in Maanta lasoo gaba-gabeeyo, iyadoo lagu gorfeyn doono sidii ay dhinacyadaasi isaga kaashan lahaayeen sare u qaadidda dhaqaalaha, ganacsiga iyo fursadaha maal-gashi ee ka jira Qaaradda.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir Walaaltinimo iyo mid saaxiibtinimo oo soo jireen ah, kaasoo ku qotoma xagga dhaqaalaha, ganacsiga iyo wax is-dhaafsiga, waxanay Dowladda Ankara xilligan door lama illaawaan ah ku leedahay kaalinta fir-fircoon ee ay kaga jirto arriamaha taakulaynta iyo soo kabasha Dalka Soomaaliya.

10 11

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment