948 Views

Nabadsugidda Jubbaland oo Kismaayo ku xirtay dad ay uga shakisay Al-Shabaabnimo.

Nabadsugidda Jubbaland oo Kismaayo ku xirtay dad ay uga shakisay Al-Shabaabnimo.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 13 2020—Xaafadaha Magaalada ee xarunta KMG ah Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa howlgal dhalinyaro lagu soo qabtay ka sameeyay Ciidamada ammaanka, kadib markii ay korortay xaaladda amni darro.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la qaatay saraakiisha ammaanka ayaa ku canaantay in habac uu ku yimid howlgalada lagu adkeynayo xasiloonada Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose.

Nabadsugidda ayaa gashay guryo ku yaalla Magaalada Kismaayo, waxay kasoo wateen dad u badan dhalinyaro oo ay ku tuhuntay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab ama ay xiriir la leeyihiin, si baaris loogu sameeyo.

Sooma bandhigin tirada dadka gacanta hay’adaha ammaanka ku jira, balse waxa ay marayaan baarista nabadsugidda, waxaana su’aalo la weydiinayaa shaqsiyaadka damiintay dadka Magaalada u sugan si loola socdo dhaq-dhaqaaqooda.

Qof kamid ah dadka Magaalada Kismaayo ayaa Mustaqbal u sheegay in Ciidamada ay kordhiyeen baraha hubinta Gaadiidka, waxaana dadka lugeynaya (Cagahooda maalaya) loo diidayaa in ay u dhawaadaan Ciidamada.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta dhankooda waxa uu Madaxweyne Madoobe ku amray in duleedka Magaalada Kismaayo ay ka bilaabaan howlgalo lagu xakameynayo dadka gala gudaha Magaalada oo lagu tuhmayo in ay fududeyn karaan qaraxyada.

Magaalada Kismaayo oo sanadii lasoo dhaafay ku jirtay liiska Degmooyinka dalka ee xasiloon waxaa kusoo kordhay qaraxyada, maalin kahor waxaa ka dhacay ismiidaamin uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana ku dhintay Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland.

12-kii July 2019-kii, Kismaayo waxaa ka dhacay weerar ismiidaamin gaari walxaha qarxa lagu soo saray oo Al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadiisa, waxaana ku dhintay dad gaaraya 10-ruux oo isugu jiray Askar, Suxufiyiin, Siyaasiyiin uu kamid ahaa Musharax xiligaas u taagnaa xilka madaxweynaha Jubbaland oo loolanka doorashada socotay.

Hodan Naaleeye, Seygeeda, Wariye iyo Musharax u taagnaa doorashada Jubbaland ayaa kamid ah 10 qof oo ku dhimatay Weerar Alshabaab ka fulisay Kismaayo.

Mustaqbal


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post