1176 Views

Collaada itoobiya: Abiy Axmed oo baaq u diray TPLF xilli dagaalka sokeeye uu galay waji adag

Collaada itoobiya: Abiy Axmed oo baaq u diray TPLF xilli dagaalka sokeeye uu galay waji adag
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 1, 2021

 Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ka dalbaday fallaagada Tigreega inay isi soo dhiibaan isagoo ku dooday in xoogagga dowladda ay qarka u saaran yihiin guul inay collaada ka gaaraan isbuuc ka dib markii uu wacad ku maray inuu safka hore ee dagaalka iska xaadirin doono.

“Dhallinyaradii Tigray, waxay u daadanayaan sidii caleemihii geedka. Way ogyihiin inaysan guul arki doonin. Waxaa hoggaaminaya mid bilaa hadaf ah,” ayuu yiri Abiy.

Abiy, oo ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda sanaddii 2019 ayaa hadalkan ka sheegay fariin laga baahiyay warbaahinta dowladda.

” Waa in aad is dhiibtaan maanta oo isu dhiibtaan ciidammada difaaca qaranka, ciidammada gaarka ah, maleeshiyaadka inala shaqeeya ama shacabkaba”

Muuqaalkan soo baxay maanta ayaa ahaa kii ug dambeeyay muuqaallo taxane ah oo uu Abiy ka so dirayay jiidda hore ee dagaalka isagoo ku lebbisan dhar milatari kuna sugan gobolka waqooyi bari ee Afarta.

Waxaa aagaasi ka socday dagaallo xooggan isbuucyadii la soo dhaafay iyadoo fallaagada TPLF ay isku dayayaan inay la wareegaan wadooyinka muhiimka ah ee gobolkaasi ku xira caasimadda Addis Ababa.

Axaddii, warbaahinta dowladda ayaa ku warantay in ciidammada ay la wareegeen magaalada goblka Afarta ku taalla ee Chifra. Abiy ayaa sheegay in ciidammadiisa ay hadda u ruqaansanayaan dhinaca gobolka Amxaarada.

Abiy oo horay u ahaa corneel ciidammada ka tirsan ayaa sheegay inuu safka hore aadi doono ka dib markii ay fallaagada TPLF la wareegtay magaalada Shewa Robit oo 220 km uun jirta caasimadda itoobiya.

Saraakiisha TPLF waxay dhawaan baahiyeen muuqaallo lagu soo duubay diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka kaas ku saabsan kumanaan maxaabiis ah oo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ay soo qabteen. waxay sheegeen inay si wadaan guulaha ay ka gaarayaan dagaalka isla markaana ay haatan ku wajahn yihiin caasimadda.

Laakiin qaar ka mid ah falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa ka digaya in ciidamada Tigrayga laga yaabo in aysan isku toosneyn, una nugul yihiin weerarro roggaal celis ah iyo weerar ay suurtagal tahay in uga yimaado dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Dadka waxay wajahayaan ‘xaalado daran’

Dhinac kasta oo guul ka gaara dagaalka, waxaa cad in colaadda ay sii fidayso xilli Itoobiya ay ka taagan tahay xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa hadda ku qiyaastay in 9.4 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar.

“Xilli colaadda ay kusii fideyso waqooyiga Itoobiya, waxaa arkeynaa dad badan oo laa daalaa dhacaya dhibaatooyin dhanka nolosha ah” ayay tiri Claire Neville oo ah sarkaal ka tirsan Hay’adda WFD oo ku sugan Addis Ababa.

Waxay sheegtay in arrimaha xaddidaya gargaarka banii’aadanimo ay yihiin amni darrada ka dhalatay dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya.

Balse Hay’adda WFP ayaa dhawaan ku guulaysatay in ay kumanaan qof ay gaarsiisay gargaar kuwaas oo ku nool laba magaalo oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ay la wareegeen ciidamada Tigray.

Manuuca wararka dagaalka

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadiisa ay ku guda jiraan sidii ay magaalooyin badan ugala wareegi lahaayeen kooxda TPLF.

Laakiin way adagtahay in la xaqiijiyo sheegashadaas, maadama la xaddiday adeegyada isgaarsiinta meelaha ay dagaallada ka socdaan iyadoo la soo saaray xeerar cusub oo mamnuucaya in la daabaco dhaqdhaqaaq kasta oo ciidan ama “natiijooyinka kasoo baxa goobaha dagaalka.”

Saraakiisha TPLF waxay dhawaan baahiyeen muuqaallo lagu soo duubay diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka kaas ku saabsan kumanaan maxaabiis ah oo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ay soo qabteen. waxay sheegeen inay si wadaan guulaha ay ka gaarayaan dagaalka isla markaana ay haatan ku wajahan yihiin caasimadda.

Laakiin qaar ka mid ah falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa ka digaya in ciidammada Tigrayga laga yaabo in aysan isku toosneyn, una nugul yihiin weerarro roggaal celis ah iyo weerar ay suurtagal tahay in uga yimaado dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Dadka waxay wajahayaan ‘xaalado daran’

Xaalad bini’aadantinimo

Dhinac kasta oo guul ka gaara dagaalka, waxaa cad in colaadda ay sii fidayso xilli Itoobiya ay ka taagan tahay xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa hadda ku qiyaastay in 9.4 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar.

“Xilli colaadda ay kusii fideyso waqooyiga Itoobiya, waxaa arkeynaa dad badan oo laa daalaa dhacaya dhibaatooyin dhanka nolosha ah” ayay tiri Claire Neville oo ah sarkaal ka tirsan Hay’adda WFP oo ku sugan Addis Ababa.

Waxay sheegtay in arrimaha xaddidaya gargaarka banii’aadanimo ay yihiin amni darrada ka dhalatay dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya.

Balse Hay’adda WFP ayaa dhawaan ku guulaysatay in ay kumanaan qof ay gaarsiisay gargaar kuwaas oo ku nool laba magaalo oo ka tirsan gobolka Amxaarada oo ay la wareegeen ciidamada Tigray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post