1596 Views

Madaxweynaha Jubbaland”khilaafadka jira wada hadal ha lagu dhameeyo”

Madaxweynaha Jubbaland”khilaafadka jira wada hadal ha lagu dhameeyo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 27, 2019 —Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xalay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland kaga qayb galay Munaasabada Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani.

Madaxweynaha oo halkaas Khudbad ka jeediyay ayaa ugu horayn u mahad celiyay dhamaan Bulshada ree Puntaland Shacab iyo Xukuumad soo dhawaynta qiimaha leh ee ay u sameeyeen isagoo u hambalyeeyay Madaxda Cusub ee Puntalnd loo doortay shanta sano ee soo socota.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in hanaanka ku kala wareega Xukunka Puntland ay tahay in cashar laga barto iyo waliba sida ciladaha yimaada loo saxo iyadoo aan dhib weyn ka iman waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in ay taas muujinayso sida ay wakhtigii horaba qayb uga ahayeen halganka wadanka iyo dib usoo kabashadiisa.

Waxaa uu sheegay dhanka kale Madaxweynahu in Soomaaliya halka ay ku socoto ay tahay in Su’aal la iska weydiiyo iyo sidii mustaqbalka looga tashan lahaa wuxuu sheegay in qof walbaa uu is weydiiyo halka aan ku socono iyo Madaxdu waxa ay maanta ka tagayaan isagoo xusay in qof walba uu talaabo qaadayay tan iyo dhismihii Dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay wadajir wax wada qabsi iyo in wixii jira laga wada hadlo wuxuu soo dhaweeyay in la is cafiyo oo khilaafadka jira wada hadal lagu dhameeyo iyadoo loo turayo wadajirka umada.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Dowlada Jubbaland wuxuu sheegay in wada shaqaynta iyo sida loogu baahan yahay la arkay balse ay xaqiiqo tahay in qof walba uu doorkiisa qaato laguna tixgaliyo wuxuu intaas ku daray in la ogyahay shaqada DFS si taas lamid ahna ay shaqo leeyahiin Dowlaha Xubnaha ka ah ilaa qofka Tuulada xukuma Masuuliyadahuna ay sidaas isku daba yaalan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment