1197 Views

Boqorka Sacuudi oo wiilka ugu weyn carruurtiisa u magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee boqorka

Boqorka Sacuudi oo wiilka ugu weyn carruurtiisa u  magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee boqorka
____________________________________________________________________________

May 4-2021

Boqorka Sacuudi Carabiya Salman Bin Abdulaziz ayaa magacaabay wasiirka cusub ee dhaqaalaha, halka wiilka ugu weyn carruurtiisa nool-na uu u magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee boqorka.

Boqor Salman ayaa wasiirka dhaqaalaha iyo qorsheynta u doortay Faisal al-Ibrahim, oo horeey u ahaa wasiirka ku-xigeenka wasaaradda, xilkaas oo uu hayey tan iyo horraantii 2018.

Al-Ibrahim ayaa sidoo kale horey xilal uga soo qabtay shirkadda shidaalka dalkaas ee Aramco iyo Golaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Horumarinta, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan ayaa ahaa sii-hayaha xilka wasiirka dhaqaalaha tan iyo sanadii tegtay markii la beddelay wasiirka dhaqaalaha.

Dikreeto kale oo ay daabacday warbaahinta dowladda, ayaa Boqor Salmaan wuxuu Amiir Sultan bin Salman ugu magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee aabihiis.

Amiirka ayaa horey madax uga ahaa Maamulka Hawada Sare ee Sacuudiga, isaga oo cuskanaya khibraddiisa ah inuu ahaa cir bixyeenkii ugu horreeyey ee Carbeed ee taga hawada sare 1985-kii

Maamulka Hawada Sare ayaa waxaa loo magacaabay inuu hoggaamiyo Abdullah al-Swaha, oo sidoo kale ah wasiirka isgaarsiinta iyo taknoolajiyadda.

Iman al-Mutairi ayaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka ganacsiga, ayada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas ka qabata Sacuudi Carabiya.

AP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post