1029 Views

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo la kulmay maamulaayasha xarumaha xanaannada carruurta

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo la kulmay maamulaayasha xarumaha xanaannada carruurta
____________________________________________________________________________


khamiis: October 21, 2021

Kulan Isbarasho iyo xog is waydaarsi ah oo uu soo diyaariyay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Qeybta Waxbarashada Caruurta ee (Xanaanooyinka) iyo Maamulayaasha Xannaanooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay xarunta Agaasinka Waxbarashada.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimaha guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nuur, kaasi oo bogaadiyay hawlaha ay hayaan hawlwadeennada Xannaanooyinka Gobolka Banaadir, kuna dhiirigaliyay inay si dhaw ula shaqeeyaan qaybta Xannaanooyinka.

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka go’an tayaynta iyo horumarinta Waxbarashada Gobolka Banaadir heerarkeeda kala duwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post