1818 Views

Ciidamo gaar ah oo sugi doona Ammaanka Dekedda Muqdisho

Ciidamo gaar ah oo sugi doona Ammaanka Dekedda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 12, 2018 –   Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay diyaarin doonaan ciidamo gaar ah oo sugga Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in  la adkeeyo Ammaanka Dekedda Muqdisho, islamarkaana wax ka badel lagu sameyn doona Ammaanka Dekedda Muqdisho.

Taliye Bashiir ayaa sidoo kale xusay in la kordhin doono Ciidamada ka howlgalla Dekedda Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Dekedda Muqdisho ay shaqeyso xilli habeen ah ka dib markii dhawaan uu Madaxweyne Farmaajo Amray in si deg deg ah dekedda Habeenkii looga shaqeysiiyo.

Raiisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed ayaa furay in Dekedda Muqdisho ay shaqeyneyso xilli habeen ah muddo ka badan 20-sano kadib.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment