1068 Views

Itoobiya oo ka hadashay kulankii Farmaajo & Muuse Biixi & Raali gelintii

Itoobiya oo ka hadashay kulankii Farmaajo & Muuse Biixi & Raali gelintii
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad , Feberaayo 23, 2020 —Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashay kulankii Magaalada Addis Ababa ku dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi,kaas oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

 

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in Raali gelintii uu Madaxweyne Farmaajo siiyey Soomaaliland iyo aqbalaadii Muuse Biixi ay keeni karto isku soo dhawaansho sidoo kalena ay tagay Guul ay gaareen labada dhinac.

 

 

 

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in hadallada labada Madaxweyne ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland,kulankii Addis Ababa ay ku yeesheen iyo sida ay wax u wajaheen ay tahay rajo wanaagsan.

 

Si kastaba in kastoo kulankii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi uusan jirin ajende gaar ah oo ay ka hadleen ayaa hadana Dowladda Itoobiya waxaa ay Magaalada Hargeysa u dirtey Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda dalkaas si loo dhameystiro wada-hadaladaas.

 

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Warar sheegayay in Madaxweyne Farmaajo tagayo Hargeysa ayaa sheegay in warkaas uu yahay kaliya hadal-heyn balse asyan xilligaan macquul aheyn in uu yimaado Magaalada Hargeysa.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment