966 Views

Galmudug oo Shir deg deg ah ka yeelatay ka hortaga Covid-19

Galmudug oo Shir deg deg ah ka yeelatay ka hortaga Covid-19
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 19, 2020 —Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug waxaa Maanta ka furmey shir deg deg ah oo looga hadlayo u diyaar garowga iyo ka hortaga Cudurka Coronavirus oo ka dilaacey wadamo badan oo Caalamka ah.

 

Shirkaan ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa Wasaarada Caafimaadka Galmudug iyo Hay’adaha Caafimaadka, Nafaqada iyo Nadaafada ee Galmudug,iyada oo wadatashi ka yeelanaya sida looga hortegi karo Cudurkaan.

 

Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug Dr C/wali Axmed Maxamuud oo Shirka furay ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo samayn lahaa ka hortag looga Gaashaamanayo Faafitaanka Covid-19 Maadaaba kiiskii ugu Horeeyey laga Diiwaan galiye Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale Agaasiamaha waxaa uu sheegay in la diyaarinayo Koox Caafimaad oo Magaalada Muqdisho u aadi doona Tababar si loo sameeyo ka hortaga,sidoo kalena dhawaan Qalabka baaritaanada cudurka lasoo gaarsiin doono deegaannada Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment