798 Views

Human Rights Watch oo sheegtay in ciidamada Itoobiya ay duqeyn u geysteen magaalooyin ka tirsan gobolka Tigray

Human Rights Watch oo sheegtay in ciidamada Itoobiya ay duqeyn u geysteen magaalooyin ka tirsan gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

Khamiis 11 /2/ 2021

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada federaalka ee Itoobiya ay sida muuqata duqeyn aan kala sooc lahayn u geysteen magaalooyin ka tirsan gobolka Tigray.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in madaafiicdii ay ciidamada Itoobiya adeegsadeen horraantii dagaalka ay ku dhaceen guryo, cisbitaallo, iskuullo iyo suuqyada magaalooyinka Maqale, Humera iyo Shire, ayna ku dhinteen ugu yaraan 83 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

“Weerarrada noocan ah waxa ay burburiyeen noolasha shacabka Tigray, waxaana ku barakacay kumanaan qof, taasoo muujinaysa muhiimadda ay leedahay in la soo afjar weerarrada sharci darrada ah, oo lagula xisaabtamo dadkii mas’uulka ka ahaa,” ayay tiri Laetitia Bader oo ah agaasimaha Human Rights Watch u qaabilsan Geeska Afrika.

Tobanaan kun oo qof ayaa la sheegay inay ka barakaceen gobolka Tigray tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya milateriga Itoobiya iyo xooggaga TPLF horraantii November 2020.

Xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy ayaa ku doodda in ciidamadeeda aanay wax dhibaato ah u geysan dadka rayidka ah ee gobolkaas.

Duqeymaha goobaha shacabka

Human Rights Watch ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dadka ku nool degmada Humera ay u sheegeen in 9-kii November madaafiic laga soo ganay dhanka Eritrea ay ku dhaceen xaafadaha Kebele 01 iyo Kebele 02, gaar ahaan kaniisad, iskuul iyo meel u dhaw masaajid.

Dhakhaatiirta cisbitaalka Kahsay Aberra ee magaalada Humera ayaa u sheegay Human Rights Watch in xaruntooda la geeyay meydad badan iyo dad dhaawacyo culus qaba.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday magaalada Maqale 28-kii November ay ku dhinteen27 qof oo rayid ah ayna kamid yihiin carruur, halka dhaawacana uu ka badnaa 100 qof.

Human Rights Watch ayaa ku baaqday in Qaramada Midoobay ay gobolkaas u dirto guddi xaqiiqa raadin ah si ay baaritaan ugu sameeyaan tacaddiyada laga soo sheegayo deegaannada Tigray.

Dagaalka gobolka Tigray ayaa bilowday horraantii November 2020 kadib markii xukuumadda Abiy ay ku eedaysay xooggaga TPLF inay duulaan qaawan ku qaadeen taliska waqooyi ee milateriga dalkaas.

Isla dabayaaqadii November, ciidamada Itoobiya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen magaalada Maqale ee xarunta u ah Tigray, kadib markii ay halkaa ka baxsadeen hogaanka TPLF.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post