159 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Garoowe

Madaxweyne Xasan Sheekh  oo Gaaray Garoowe
____________________________________________________________________________

GAROOWE — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland, madaxweynaha ayaa kasoo kicitimay dalka Qatar uu joogay.

Madaxweynaha  ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Dowladda Federaalka iyo kuwa Puntland iyo dadweyne farabadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Garoowe uga qeyb-galaya caleemasaarka Madaxweyne Siciid Deni oo manta dhacaysa magaalada Garoowe.

Magaalada Garoowe ayaa waxa maalmihii ugu dambeeyay gaaray mas’uuliyiin kale duwan, kuwaas oo lagu casuumay munaasabadda caleemo-saarka, madaxweyne Deni ayaa markale dib loogu doortay hoggaanka Puntland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post