1611 Views

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada XFS oo dhagax dhigay dhismaha Xaruntii hore ee debdamiska garoonka Aadan Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada XFS oo dhagax dhigay dhismaha Xaruntii hore ee debdamiska garoonka Aadan Cadde
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 18, 2019 – Dib u dhiska Xaruntii hore ee debdamiska garoonka aadan cadde ayaa ah mid baahiyo farabadan loo qabay, waxaana kor uu u qaadi doonaa Awoodda qaabilaada Culeeska diyaaradaha waa weyn inay si caadi ah uga soo degi karaan garoonka, iyaddoo taasi laga duulayo ayuu maanta wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya iyo lisa filipetto oo ah Xoghayaha Xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa si wadajir ah u dhagax dhigay Dib u dhis lagu sameyn doono Xaruntaasi, waxaana qorshahu yahay in lagu soo gabagabeeyo Muddo lix bil ah.

Lisa Filipetto Xoghayaha Xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa  waxa ay  sheegtay in dhinacyo badan ay ka taageeraan Dawladda Soomaaliya,  mashruucaanna uu wax badan ka qaban doono shaqada Culus ee u taalla garoonka  Diyaaradaha ee Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa kaga Mahad celiyay Xafiiska UNSOS sida ay uga aqbaleen in ay maalgaliyaan Mashruucaan, sidoo kale waxa uu sheegay in shaqada garoonka marba markii ka dambeysa ay sii kordheysa .

Dhinaca kale Munaasabad kooban oo lagu qabtay Gudaha Xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa waxaa loogu Magacdaray Allaha ha u naxariistee Marxuum Abuukar Maxamed Maxamuud oo loo yaqiinay Abuukar Cadaani oo ka mid ahaa 4 Shaqaale ka tirsan Maamulka Hawada Soomaaliya oo Sanadkii 2015 lagu dilay  agagaarka aargada isgooska nambar afar ee Magaalada Muqdisho, iyaddoo ay goob joog halkaasi ay ahaayeen qaar ka mid Qoyskiisa.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment