591 Views

Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya oo MW Xasan Shiikh ugu baaqay in la soo celiya xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya oo  MW Xasan Shiikh ugu baaqay in la soo celiya xiriirka Soomaaliya iyo Kenya
____________________________________________________________________________


Khamiis: June 30, 2022

Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta ka hadlay sida ay muhiim ugu tahay in lasoo celiyo xiriirkii wadashaqeynta iyo isu socodka ganacsiga ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Safiir tarsan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii uu u soo celin lahaa xiriirkii dowladda Soomaaliya kala dhaxeysay dhigeeda Kenya.

Ugu dambeyn, Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxmuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu muhiimad gaar ah siiyo, sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya, maadaama ay jiraan malaayiin Soomaaliyeed oo ku nool gudaha Kenya, kuwaas oo deegaan ku ah islamarkaana gacansi kala duwan ku leh.

Xiriirka Soomaaliya ay la lahayd dhigeeda Kenya, ayaa xumaa shantii sano uu xilka Madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo gabi ahaan jaray xiriirkii diblumaasiyadeed iyo wadashaqeyntii dowladda Kenya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post