696 Views

Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo markale ku guuleystay Kursiga HOP-031

Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo markale ku guuleystay Kursiga HOP-031
____________________________________________________________________________

Talaado: March 1, 2022

Magaada Beledweyne oo ah deegaan doorashada Labaad ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi ka mid ah kuwa yaala.

Guddiga Maamulka Doorashada ayaa sheegay in ay qabteen maanta doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#031 oo ka mid ah kuwa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Doorashada kursigaas waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah Yuusuf Xuseen Axmed (Gamaadiid) oo kursigaas horey ugu fadhiyay iyo Aadan Cabdiraxmaan, waxaa hab gacan taag ah ugu guuleystay markale kursiga HOP#031 Yuusuf Xuseen Axmed oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaalada Soomaaliya.

Hirshabeelle ayaa wado qorsho ay rabto in ay kusoo gabagabeyso doorashada kuraasta taalo Beledweyne, maadama ay horey usoo gabagabeeyeen kuraastii deegaan doorashadoodu ahayd Jowhar.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post