3219 Views

Shirkada DP-WORLD oo codsatay in muddo kordhin loogu sameeyo dayactirka dekada Barbara

Shirkada DP-WORLD oo codsatay in muddo kordhin loogu sameeyo dayactirka dekada Barbara
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 15, 2018 –  Sharikadda DPWorld ayaa waxa ka dhacay waqtigii ay qabsatay ee ahaa in ay ku ballaariso dekadda Magaalada Berbera,waxaan Somaliland iyo Sharikadda hadda u dhaxeeya muran ku saabsan arrintaas.

DPWorld ayaa codsatay in muddada halka sano ah ee ay ku ballan qaadday in ay ku ballaarineyso Dekadda ka dhamaatay,una baahan tahay in la siiyo labo Sano oo dheeraad ah.

Hayeeshee Maamulka Somaliland ayaa arrintaas ka biya diiday,iyaga oo go’aankooda ku adkeysanaya Madaxda sharikadda DPWorld waxaa ay warqad u dhiibeen Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Warqadda ayaa la sheegayaa in ay ku qorneyd in Axmed Siilaanyo uu Muuse Biixi ka dhaadhiciyo in DPWorld waqtiga loo kordhiyo looguna daro labada sano ee ay codsatay.

Xildhibaan Maxamed Farax Qabile oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in Axmed Siilaanyo uu Muuse Biixi ula tagay arrintaas hayeeshee uusan isagu garaneyn in uu ka aqbalay iyo in kale.

Maareeya Dekadda Magaalad Berbera Siciid Xasan Cabdullahi, ayaa sheegey in ballan qaadkii DPWorld ee ahaa ballaarinta Dekadda Berbera muddo sanad gudahiis ah eek u xusan heshiiska labada dhinac uu dib u dhac ku yimid.

Waxaa uu xusay in 11-ka Bisha October ee  soo socota la dhagax dhigayo Mashruuca ballaarinta Dekadda Berbera,iyada oo qaar ka mid ah Madaxda Mucaaridka Somaliland ay sheegayaan in DPWorld aysan waxbadan ku kordhin tan iyo markii ay la wareegtay.

Siciid Xasan Cabdullahi, ayaa sheegay in shaqada Dekadda Berbera ay 40%sare uga kacday sidii ay ahayd kahor inta aysan la wareegin DPWorld hayeeshee dhinaca mashruuca ballaarinta uu gaabis ku yimid.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland ayaa qoraya in kulanka dhexmaray Muuse iyo Siilaanyo aysan ka soo bixin natiijo u wanaagsan DPWorld,Muuse Biixina walaac ka muujiyay aqbalaadda arrintaas.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment