1704 Views

Sawirro:-Madaxweynaha Cusub Ee K/Galbeed Oo Maanta Sirasmi Ah Xilka Ula Wareegay

Sawirro:-Madaxweynaha Cusub Ee K/Galbeed Oo Maanta Sirasmi Ah Xilka Ula Wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 26, 2018 –Kullan ay goob joog ay ka ahaayeen Mas’uulyiin kala duwan oo ugu horeeyo Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Xildhibaano ka wada tirsan Baarlamanka Fedaralka Soomaaliya Iyo Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa Maanta lagu qbatay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magalada Baydhabo.

Kullanka ayaa ujeedkiisa ahaa mid si rasmi ah  uu xilka Madaxweyne loogu wareejinayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed  C/ Casiis Xasan Mohamed Lafta gareen oo 19- Bishan lagu doortay Baydhabo.

Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo ah Gudomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed,sidoo kalena ahaa sii haayaha Xilka Madaxweynaha ayaa sheegey in maanta si rasmi ah Xilka ugu wareejiyay Madaxaweynaha laftagareen.

Madaxweynaha Dowlad  Goboleedka Koonfur Galbeed  C/Casiis Xasan Mohamed Lafta gareen ayaa ka hadley Qorshaha wax qabadka maamulkiisa uu la imaan doono ‘isag oo si cad u sheegey in maamulkiisa Muhiimadda 1-aad uu siin doono Amniga Guud Ee Deeganada Koonfur galbeed Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment