903 Views

Wajiga 1aad ee Shirka Maanta ka furmay Afisiyooni oo la soo geba-gabeeyay

Wajiga 1aad ee Shirka Maanta ka furmay Afisiyooni oo la soo geba-gabeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 03, 2021–Waxaa Galabta la soo gebegeboobay wajiga 1aad ee Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo illaa saaka Subaxnimo hore ka socday Xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyooni ee Gobolka Banaadir ayaa Galabta la soo geba-gabeeyay.

Shirka oo uu furay, guddoomiyeyna Madaxweynaha muddo xileekiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayna ka qayb-galeen dhammaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa lagaga wada hadlay dardar gelinta iyo hirgelinta doorashooyinka qaranka oo ay aasaas u yihiin heshiisyadii 17kii September iyo 16kii Febraayo.

Shirka oo maanta si weyn looga dooday ajandayaasha shirarka dambe ee Golaha Wadatashiga iyo dardar gelinka doorashooyinka ayaa sii socon doona, waxaana lagu balamay in la isugu soo laabto Maalinta Berito ah.

Shirka Maanta Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada uga furmay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban qaabisay Beesha Caalamka, iyada oo ku cadaadisay inay Madaxda kulmaan ka hor Shirka wadatashiga ee dhawaan furmaya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post