897 Views

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo sheegay in dowladda ay soo food-saartay dhaqaale xumadii ugu darnayd

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo  sheegay in dowladda ay soo food-saartay dhaqaale xumadii ugu darnayd
____________________________________________________________________________

.

.

April 25-2021

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in markii u horraysay dowladda ay soo food-saartay dhaqaale xumadii ugu darnayd, kadib markii deeq-bixiyaashu ay ka jarteen dhaqaalihii ay siin jireen dowladda Federaalka.

Wasiir Beyle, ayaa sheegay mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada dowladda, oo ay ku jiraan cuntada iyo adeegga Ciidanka ay ku baxdo lacag dhan $30 malyan oo Dollar, taas oo aysan xataa kala barked dowladdu heli karin, kadib markii laga jartay lacagtii kabka ahayd ee Caalamku bixin jiray.

Kabkii nala siin jiray waxaa nalaga jaray Agost, Sacuudiga oo lacag noogu deeqayna waxay naga dhamaatay December, Qatar waxa ay nasiisay xoogaa weyna dhammaadeen, marka maanta waxa aan ku soconaa sagxadda” ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday, in ay dowladda dhaqaale siiyaan, si looga kabto dhaqaale xumada soo wajahday dowladda, islamarkaana aan gacan shisheeye wax looga sugin.

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in uu soo bandhigi doono akoonno lagu caawiyo dowladda, kuwaas oo qof kasta laga rabo in uu ka qayb-qaato Qaaraanka lagu ururinayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post