783 Views

Madaxii Ciidamada Booliska Suudaan & ku-xigeenkiisa oo xilkii laga qaaday

Madaxii Ciidamada Booliska Suudaan & ku-xigeenkiisa oo xilkii laga qaaday
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 6  2020–Dowladda kumeel gaarka ah ee Suudaan ayaa xilka ka qaaday madaxii ciidammada booliska iyo ku-xigeenkiisa kaddib dibadbaxyo maalmihii lasoo dhaafay hareeeyay guud ahaan dalkaas.

Dadka dibadbaxyada dhigayay ayaa codsanayay in dowladda ay sameyso isbaddallo siyaasadeed.

Ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa xilka ka qaaday Caaddel Maxamed Bashaar oo ahaa madaxii ciidammada booliska Suudaan, waxaa uu ku baddalay Cizzu Diin Sheekh Cali.

Dhanka kale, bayaan ka soo baxay golaha wasiirada ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday taliye ku-xigeenkii guud ee booliska Cusmaan Maxamed Yuunis.

Dowladda ma aysan sheegin sababta xilka looga qaaday saraakiishan.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk uu sheegay in dowladdiisa ay isbaddallo ku dhaqaaqeyso.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post